WARARKA

Fadlan Caawi Walaalka Muuse Sheekh Wehliye oo ku xanuunsanaya Magaalada Muqdisho.

Aabe Muuse Sheekh wehliye waa Aabe Somaliyeed oo ku xanuunsanaya Magaalada Muqdisho ,waxaana Ehelkiisa ay war baahinta u Shegeen in muddo badan oo la xanuunsanaya Cudarka kansarka islamarkaana uu wehliyo Cudurka gaaska waxaana labadan Cudur ay dhibaato ba’an ku hayaan Caafimaadka Abahan Somaliyeed oo ka soo jeeda qoys dan yar ah. Waa 53 Jir hadda ka xanuunaya xaafadda horsed ee ...

Read More »

Safiirka cusub ee Turkiga u soo magacaabay Soomaaliya oo laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqihiisa aqoonsiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga u soo magacawday Soomaaliya Mehmet Yilmaz, kaasoo bedelay Safiirkii hore Olgen Bekar, kaddib markii ay u dhamaatay muddo xileedkiisa Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka idman ee Jamhuuriyadda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, kaasoo soo gaaray magaalada ...

Read More »

Qaar ka mid ah Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe oo la barayo garaacista muusikada

Munaasabad lagu daah-furayay tababar ciidamo iyo maxaabiis ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar lagu barayo xirfada muusikada ayaa manta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay  ay   Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka Sida iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa waxaa qudbado ka soo jeediyay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgashay iyagoo sheegay mihiimada ...

Read More »

Ciidamada gaar-ka ah ee Dowladda Somalia oo Weeraray Degaan ka tirsan Sh hoose.

Ciidamada gaarka u tababaran ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Sida wararka sheegayaan Ciidamada is garabsanaya ayaa diyaarado kuwa qumaatiga u kaca kaga degtay banaanka deegaanka Awdheegle, waxaa la sheegay in iska hor imaad uu dhex maray ciidamada huwanta iyo dagaalamayaasha Shabaab. Qoraal lagu daabacay ...

Read More »

Qorshe lagu bur burinayo Baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in uu socdo

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka  ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu bur burinayo Baarlamaanka Federaalka si meesha looga saaro isla xisaabtan. Waxa uu sheegay Xildhibaan Cosoble in Xukuumada Soomaaliya ay dooneyso in meesha laga saaro Warbixintii Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyada, waxa uuna ku eedeeyay Xukuumada in handadaad iyo dhaqaale u adeegsaneyso baabi’inta Warbixinta ...

Read More »

Askari katirsanaa Ciidanka NISA oo sabab layaab leh shaqada looga eryay (Akhriso)

Askari katisanaa ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa shaqada laga eryay kadib markii uu dhawaan Wareysi uu siiyay mid kamid ah telefishinada afka Soomaaliga ku hadla. Nuur Samawad oo katirsanaa ciidanka Nabad sugida gaar ahaan Gaashaan ayaa ku dhaawacmay weerar Al Shabaab sanadkii hore ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood 2-, waxaana Nuur uu kamid ahaa ciidankii u gurmaday ...

Read More »

Qaliin Ay iska Kaashanayaan Jaaliyada Somaliyeed Ee Australia iyo Kalkaal Foundation Ayaa Dhacaya Muqdisho

Hay”ada Kalkaal Foundation Ayaa Waxaa Ay Fulinaysaa Qaliinka isku Furan ka Haweenka Hay”adaan Ayaa si Bilaash Ah U Fulisa Qaliimadaan Loo Qabanayo Shacabka Soomaaliyeed Ee Aan Awooda u Lahayn in Ay Ka Faa”iideystaan Adeegyada Lacagta Ah Qaliimadaan Ayaa Waxaa Taageerayada Jaaliyada Soomaaliyeed Dalka Australia . Hay”adaan Ayaa Ah Mid Walba garab taagan shacabka soomaaliyeed waxaana ay horey u fulisay qaliimo ...

Read More »

Xildhibaan Cosoble “Waxaa socda qorshihii lagu burburin lahaa Baarlamaanka, haddaan lagu fakan Guddoomiyaha…”

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay in Xukuumadda inay handadaad iyo dhaqaale ku bixineyso sidii loo baabi’in lahaa warbixintii Guddiga Maaliyadda oo dhowaan soo bandhigay warbixin ka hadleysay in wax is daba marin lagu sameeyay Miisaaniyadda Sanadka. Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa sheegay inay socoto qorshe lagu burburinayo Baarlamaanka, haddii la isku dayo ...

Read More »

Ciidamada Kumaandooska ee Danab oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Ciidamada Kumaandooska ee loo yaqaano Danab oo ah ciidan uu tababaray Mareykanka, kana tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa xalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo oo ay saldhig ku leeyihiin, waxaana qorshaha ay u tageen Dhuusamareeb ka mid ah howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamadan ayaa la kulmay Mas’uuliyiinta ...

Read More »