WARARKA

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo xukun dil ah ku fulisay Saddex nin.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Saddex askari oo kala ahaa Cabdullaahi Asad Ismaacil, C/rashiid Axmed Xasan iyo Aadan Cabdi Muumin. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa raggan wuxuu ku soo eedeeyay fal dambiyeedyo dil ah, waxaana ragga la toogtay ku jira Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horey u dilay xaaskiisa, Maxkamadeyntooda ayaa in ...

Read More »

Dawladda Britain Oo Sheegtay Inay Sii Waddeyso Taageeridda Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in ay sare u qaadi doonto taageerada dhinaca gargaarka ah ee ay siiso qaxootiga Soomaalida ah ee dalka dib ugu soo noqonaya. Ingiriiska ayaa sheegay in qaxootiga ku soo noqonaya gudaha dalka ay u baahan yihiin gargaar dheeraad ah, maadaama noloshooda ay horay ugu tiirsaneyd kaalmo ay ka heli jireen ururada gargaarka. Dowladda Ingiriiska ...

Read More »

Ciidamada Ammaanka Gaalkacyo Oo Howlgallo ku soo qabtay Saddex ruux.

Ciidamada Booliska isku dhafka ah ee maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystay qabashada kooxo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay dhac geysteen iyo kuwa ku hawlanaa sameynta lacago been abuur ah. Taliye kuxigeenka Booliska gobolka Mudug ee dhanka Galmudug Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa waxa uu sheegay in Taliyaha Booliska dhanka Puntland ay ku wareejinayaan nin gaari ka soo ...

Read More »

Wabiga Shabelle Oo Fatahaado Hor Leh Ka Sameeyay Deegaanada Sh/ Dhexe.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Fatahaado hor leh uu Wabiga Shabelle saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay deegaano hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi. Wabiga Shabelle ayaa lagu soo warramayaa in uu ku Fatahay dhul Beereed ballaaran oo ku yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Fatahaadaan ayaa saameyn xoogan ...

Read More »

SAWIRRO:- Agaasime Koofi Oo kormeer Shaqo ku tagey Xarumo ku Yaala Kismaayo.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col; Maxamed Aaden Koofi ayaa kormeer shaqo ku tagey magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubbaland. Agaasimaha oo safarkiisa uu ku wehlinayey madaxa howlaha ee HSJ ayaa la kulmey saraakiisha laanta HSJ u qaabilsan deegaanada Jubbaland, wuxuuna ka dhageystey warbixino la xariira shaqada. Agaasimaha ayaa habeenimadii xaley aqalka madaxtooyada ku booqdey madaxweynaha Jubbaland, waxayna ...

Read More »

SAWIRRO:- Shirkii Maamulka G/Banaadir Oo Looga Hadlay u diyaar garowga Maalmaha Xoriyadda iyo Arrimo Kale.

Shirka todobaadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha 17ka degmo oo shir guddoominayey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa looga hadlay amniga, daadajinta adeegyada asaasiga ah, sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha nadaafadda iyo bilic soo celinta magaalada, u-diyaar garowga maalmaha xoriyadda ee foodda nagu soo haya. Ugu horeyn, ayaa warbixinno la xiriira xaaladaha degmooyinka laga ...

Read More »

SAWIRRO:- Madaxweynaha Hirshabeelle Oo kormeeray Mashaariic ka socota Degmada Warsheekh.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shalay gaaray Magaalada Warsheekh ee Gobolka Sh/hoose ayaa kormeeray goobo ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo laga hirgelinaayo Degmadaasi. Dr. Maxamed Cabdi Waare, ku xigeenkiisa Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe),wasiirka arrimaha gudaha iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Hirshabeelle ayaa u kuur galay xaaladda amni, mida bulsho iyo sida ay u ...

Read More »

AKHRISO:- Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Sheegay inaan Wax Heshiis ah la la gelin Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Khayre ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada galeen, kaasi oo dhaliyay hadal heyn badan, welina quluubta shacabka Soomaaliyeed ka guuxaya. Wuxuu sheegay Khayre in ay jiraan dad ka soo horjeeda in ay dowladnimada oo wax walbana siyaasadeeya, isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyay inaanay jirn Dekad la ...

Read More »

QM Oo Kenya Ka dalbatay in Qaxootiga ay u ogolaato in si xor ah u ganacsadaan.

Qaramada Midoobay ayaa Xukuumadda Kenya ka dalbaday iney u ogolaato Qaxootiga dalkeeda ku sugan dhaqdhaqaaqa xorta ah oo awood u siinaya iney ganacsi ka sameeyaan dalka. Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya Amb. Maxamed Affey ayaa sheegay in xorriyadda awood buuxda siin doonto dadka magan-galyo doonka ah. Mr. Affey wuxuu sheegay in Qaxootiga loo arkayay ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo Oo Addis-Ababa ka qeyb galaya Shirka deg dega ah ee IGAD.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb geli doonaan Shir Madaxeed deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, Hoggaanka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ay kaga arrinsanayaan xasilinta dalka Koonfurta Suudaan. Hoggaamiyeyaasha 8da dal ee ku mideysan Ururka IGAD ...

Read More »