WARARKA

SAWIRRO:- Marwada Koowaad ee dalka oo Barnaamij indha fiiqid ah u sameysay dad danyar ah.

Marwada Koowaad ee Dalka Maamo Seynab Cabdi Macallin ayaa maal-gelisay barnaamij indha fiiqis loogu sameynayo boqolaal ka mid ah dadka araga waxyeellada ka qaba. Wajiga koowaad ee barnaamijkan ayaa waxaa ka faa’iideystay 50 qof oo kunool magaalada Muqdisho, iyadoona la qorsheynayo in laga hirgeliyo meelo kala duwan oo ka mid ah dalka si tirada ugu badan ee dadka danyarta ah ay uga ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo Denmark la gashay heshiis dib loogu soo celinayo qaxootiga.

Dowladaha Soomaaliya iyo Denmark ayaa heshiis qarsoodi ah oo dhigaya in dadka magangalyo doonka ah ee Soomaalida ah dalka Soomaaliya dib loogu soo celin karo. Heshiiskan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa soo ifbaxay kadib markii xisbiga mucaaradka dalka Denmark uu ku eedeeyay dowlada wadankaas inay gashay heshiiskan ayna u baahan yihiin mucaaradka in la cadeeyo.Afhayeenka Xisbiga Social ...

Read More »

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Amray in la banneeyo Garoonkii Jeenyo iyo gooba kale.

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in garoonkii Jeenyo lagu banneeyo muddo 3 cisho ah si garoonka loogu soo celiyo sidii uu ahaan jirey oo dhalinyarada ugu noqdo goob Isboorti. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale amray in dhammaan goobaha danta guud ee dawladda lagu banneeyo sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo ...

Read More »

XOG:- Lacago Soomaaliya loogu deeqay Oo Laga Yaabo In Hub Loogu iibiyo.

Midowga Europe waxay shalay shaaciyeen Kaalmo Dhaqaale oo cusub oo lagu maalgelinayo sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa dalalka ay colaadaha ka jiraan. Hadal-qoraal oo shalay ka soo baxay Xarunta EU-da ee magaalladda Brussels ee dalka Belgium aya lagu sheegay inay EU-da ku kharaj garanayso lacag dhan 10.5 Billion oo EURO oo u dhiganta 12.4 Billion ee  Dollar-ka Maraykanka sidii ...

Read More »

Wararkii ugu Danbeeyay Dagaal Culus oo Dhexmaray Soomaalida iyo Oromada.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya  dagaal ayaa mar kale maanta ka qarxay agagaarka Degaanka Tulli Guuleed. Dagaalkaan ayaa u dhaxeeya laba jifo oo ka soo kala jeeda Soomaalida iyo Orommada, kuwaasoo uu iska hor imaad ku dhex marayay dhawaanahan meel aan ka fogeyn Tulli Guuleed oo qiyaastii 50 – 60 KM waqooyiga kaga beegan magaalada ...

Read More »

Dawladda Soomaaliya Oo Fasaxday Shaqaalaha Dawladda iyo kuwa gaarka ah.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta ku wargalisay in dhammaan Shaqaalaha Hey’adaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba in shaqaalahooda ay fasax yihiin maalmaha lagu guda jiro Munaasabadda Ciidul-fitriga. Warkaan ka soo baxay wasaaradda Shaqada ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in muddada fasax ay noqon doonto laba maalmood oo ku aadan 15 bishan Juun ilaa iyo 17-ka bishan ...

Read More »

SAWIRRO:- Madaxweynaha Galmudug Oo Dhuusamareeb ka dhagax dhigay Xarumo Muhiim ah.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta siwadajir ah uga dhagax dhigay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug Xarumo dhowr ah, Waxaana ka mid ah Xarunta Wasaarada Warfaafinta, Xarunta ciidamada Daraawiishta iyo Xarunta ciidamada Nabad-Sugida Galmudug. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray Xaruntii hore ee ciidamada Xooga dalka qaybta 21aad iyo dhismaha Cusub ee ...

Read More »

Dawladda Turkiga Oo Qabatay Muhaajiriin Ay Ku Jiraan Soomaali.

Ciidamada ammaanka dalka Turkiga ayaa maanta gacanta ku dhigay 224 Qof oo muhaajiriin ah kuwaasi oo ay ku jiraan Soomaali. Laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in dadkaasi oo ah kuwo sharci a’aan ah ay ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah waqooyi galbeed ee Turkiga. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in dadkaasi ay geeyeen saldhigyo ...

Read More »

Guddoomiyihii Hore ee G/Banaadir Oo si kulul uga Hadlay Xayiraada Waddooyinka.

Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa si adag uga hadlay xayiraada la saaray shacabka Muqdisho iyo dilalka isi soo taraya ee lagu hayo dhallinyarada ku xamaalata gaadiidka Bajaajta. Maalmihii lasoo dhaafay, Muqdisho waxey aheyd magaalo kala xiran waxaana intaas dheer dilal ay ciidanka Dowladdu ku hayaan shacabka. Wuxuu Taabit Cabdi Dowladda ka codsaday in ay cadaalad helaan qoysaska ...

Read More »

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Kormeer Ku Tagay Deegaanka Baar-Sanguuni.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa maanta gaaray Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dawlad goboleedka Jubbaland. Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ay kulan la qaateen madaxwaynaha Jubbaland, kaas oo looga hadlay dar-dargalinta hawlgallada ka dhanka ah Maleeshiyada AL-shabaab. Taliyaha ayaa sidoo ...

Read More »