WARARKA

Wafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo u ambabaxay magaalada Kismaayo

Wafdi ballaaran kana socda Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kismaayo,halkaasi oo lagu wado iney kula kulmaan Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Jubbaland si ay xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda u raadiyaan. Wafdigan oo ka kooban toban xubnood oo ka socda Golaha ...

Read More »

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ugu baaqday Madaxda Galmudug in ay soo afjaraan Khilaafka dhexdooda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta, iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay si dhow ula socataa geedi socodka federaalaynta iyo doorashooyinka dalka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay gacan ku siin doontaa dhammaan Dowlad goboleedyada sidii loo hirgelin lahaa doorashooyinka kusoo fool leh oo aan rajaynayno in ay u dhacaan si daah furan, xor ah, waafaqsanna dastuurka dalka.Wasaaraddu waxay adkaynaysaa ...

Read More »

Duufaan go’doomisay magaalo dhan oo Maraykanka ku taalla

Magaalada Wilmington ee gobolka North Carolina ayaa gabi ahaanba ka go’day gobolka intiisa kale, waxaana arrintaas sababay daadad xooggan. Masuuliyiinta ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa aan la adeegsan karin, dadkii la daad gureeyayna waxaa loo sheegay in ay deegaannadaas isaga dheeraadaan. Wararka halkaas ka imaanaya ayaa sheegaya in magaaladaas oo ay ku nool yihiin 120,000 ...

Read More »

Wafadi Ka Socoda Aqalaka Sarre Oo Gaaray Garoowe

Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Wafdiga waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Puntland ...

Read More »

SAWIRRO:-Murashax Farkeeti Oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyey Baydhabo.

Waxaa maanta Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobalka Baay  gaaray Wafti uu Hogaaminayo Murashax Maxamed Aden Ibaraahim Farkeeti Oo Kamid ah Murashaxiinta u Taagan Qabashada Xilka Madxweynenimo Ee Maamulka Koon Furgalbeed. Murashax Maxamed Aden Ibaraahim Farkeeti Ayaa markii uu soo gaaray Gagida Diyaaradah Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koonfur Galbbeed, waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha ...

Read More »

Faarax Macalain Oo Fariin Culus U diray Madaxda Maamul Gobaleedyada

Hoggaamiyihii hore ee Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Farax Macallin ayaa sheegay in Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Soomaaliya ay yihiin Agoonta Maamulkii Tigreeda ee dalka Itoobiya. Faarax oo bartiisa Twitter-ka ku qoray qoraal uu kaga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed uu xilka ka qaaday taliyayaashii Ciidanka Itoobiya ee ku jira AMISOM kuwaas oo xiriir lalahaa AL-shabaab. ...

Read More »

RW Kheyre & Guddoomiye Mursal Oo Booqday Dhaawaca Xildhibaan Boorow

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isbitaalka ku booqday xildhibaan Maxamed Mursal booroow oo xalay Qarax loogu xiray gaarigiisa uu kasoo gaaray dhaawac culus. Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in dowladda ay la socon doonto Xaaladda Xildhibaanka, waxaana sidoo kale dhintay darawalkii waday gaarigiisa. Dhaqaatiirka isbitaalka la geeyay Xildhibaanka ayaa sheegay in xaaladiisa ...

Read More »

Tababar Ku Saabsan Habka Cilmi Baarista Oo Lagu Qabanayo

Machadka SIPAM waxa uu bixinayaa tababar lacag la’aan ah (free) labo maalmood ah (13 & 20 Sep) kaas oo lagu baranayo qaababka cilmi baarista loo sameeyo. Diiwaan gelinta waa ay socotaa. Haddaba si aad isu diiwaan geliso fadlan foomkan soo buuxi. Tababarka waxaa uu ka dhacayaa xarunta SIMAD ee Gahayr. Saacada 3 – 6 pm galabnimo. Buuxi foomkaan hoose https://goo.gl/forms/TxDo5FDHvzJdy8Rh2 ...

Read More »

SAWIRRO: Xisbiga Dadka Somaliyed Ayaa Ansixiyay Golaha Fulinta Xisbiga

kulan ay muqdisho ku yeesheen madaxda ugu saraysa xisbiga dadka soomaaliyeed ayaa waxaa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xubno ka mid noqonaya golaha fulinta xisbiga dadka soomaaliyeed. xisbigaan ayaa waxaa ku midaysan aqoon yahano, dhalinyaro, haween iyo dad iskugu jira bulshada noocyadeeda kala duwan. gudoomiyaha xisbiga dadka Prof: Saciid ciise maxamuud ayaana shir gudoominayay shirkaan waxaana ka soo qayb ...

Read More »

Dowlada Federalka oo amar deg-deg ah dul dhigtey madaxda maamul goboleedyada

Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maamul goboleedyada ku shirsan Kismaayo ku amartay in ay keenaan xisaab-celin ku aaddan “isticmaalka lacagaha dawladda dhexe ay u gudbiso dawlad goboleedyada”. Warqad todobaadkan ka soo baxday xafiiska wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya oo BBC ay heshay nuqul ka mid ah ayaa lagu sheegay in “la soo gaaray xisaab celin dhamaystiran oo daboolaysa isticmaalka lacagihii dawladda ...

Read More »