WARARKA

Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed Oo Maanta Shaaciyey Sida Ay Shaqadooda Noqon Doonto

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo Kulan ku Yeeshay Gudiga Doorashada,iyagoo soo bandhigay sida ay Shaqada noqon doonto. Jadwalka Doorashada ayaa waxa uu yahay mid ay soo dhaweeyeen badankood Murashaxiinta,islamarkaana ku tilmaameen mid lagu farxo. Gudoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa dhawaan soo magacaabay gudigaan. Doorashada dhaceysa 17 November ayaa lagu wadaa in Baydhabo ka qabsoonto.

Read More »

SAWIRRO:Musharaxa Shacab Ka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Lafta-Gareen Oo Ku Dhawaaqay Musharaxnimadiisa.

Xaflada Ku Dhawaaqista musharaxa Madaxweynaha koonfur Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagareen ) ayaa maanta ka dhacay magaalada baydhabo xarunta Gobolka Bay. Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah golaha wasiirada Dowlada federalka somalia uu hor kacayo wasiirka difaaca dalka xildhibaan xasan ali (Amar-danbe), Sidoo kale Qaar Kamid ah Xildhibaanada Baarlamaan ka Dowlada Soomaaliya. Wasiirka Difaaca Qaranka Ayaa ...

Read More »

Musharax Lafta-gareen Oo La Kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Musharaxa madaxweynaha koonfur Galbeed somalia Mudane C/casiis Xasan Maxamed ( Lafta Gareen) ayaa maanta la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Goonfur Galbeed Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye. Gudoomiyaha Baarlamaanka Kgs ayaa soo dhaweeyey musharaxnimada madaxweynaha Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay isbedel deg deg ah Dhanka kale wuxuu la kulmay 2da Gudoomiye Xigeenada Baarlamaanka Kgs. xildhibaanada koonfur galbeed ayaa soo dhawaynaya musharax ...

Read More »

SAWIRRO: Wasaarada Arrimaha Gudaha Dalka Ayaa Soo Bandhigtay Qabyo Qoralka Sharciga Doorasha 2020-ka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa maanta usoo bandhigtay Xisbiyada Siyaasadda Dalka Qabyo Qoraalka Sharciga Doorashoooyinka ayadoo oo ay mudo dheer ka soo wada shaqeynayaan dhaamaan hay’adaha ay quseyso iyo waaaradda. Shirkan oo uu daahfuray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa ujeed kiisu ahaa sidoo loo gala tashan lahaa xisbiyada dalka sharciga doorashoyinka oo la ...

Read More »

Maamulka Hirshabelle oo Baaq Nabadeed u direy beelaha ku dagaalamaya gobolka Sool

Madaxweynaha Dowlad Goboleed Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay beelaha Soomaaliyeed ee dagaaladu ku dhex marayaan deegaano ka tirsan gobolka Sool inay dagaalada joojiyaan oo ay khilaafkooda wadahadal ku dhamaystaan. Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha  Hirshabelle ayaa ku tilmaamay nasiib darro in dadka Soomaaliyeed  ay weli is dilayaan laga soo bilaabo sanadkii 1988dii oo laga joogo muddo soddon sano. ...

Read More »

Wiil Soomaaliyeed oo arragga naafo ka ah kuna hadli kara seddex luqadood!

Dalmar waa wiil dhallinyaro ah oo ku jira da’da labaatameeyada,waxa uu ku dhashay oo uu hadda ku nool yahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka,waa qof arragga naafo ka ah oo aan waxba arki karin,waxa uu arragga beelay isaga oo ay da’diisu tahay seddex jir,waxaana sababay cudurka Jadeecada. Dalmar waxa uu ku hadli karaa luuqadda hooyo ee Soomaaliga,Sawaaxili iyo English. Markii ...

Read More »

Askari dhaawacay Taliyihiisa oo Xukun adag lagu lagu riday

Maxakmadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka Sida ayaa xukun adag ku riday askari lagu helay dambi ah in uu dhaawacay taliyihiisa kadib markii uu muran dhax maray. Dable Axmed Cali Cawaale ayaa waxaa uu dhaawacay Taliye Yuusuf Daahir Cali kadib muran ka dhashay badal uu askariga ku sameeyay, waxaana dhaawaca askarigan u geestay taliyihiisa sababay in mid kamid ah lugihiisa ...

Read More »

Boqorka & dhaxal sugaha Sacuudiga oo qaabilay ehelada Jamal Khashoqgi (Daawo Sawirro)

Boqorka Sacuudiga Salman bin C/casiis iyo dhaxal sugaha dalkaas Maxamed bin Salman ayaa qasriga boqortooyada dalkaas ku qaabilay wiil uu dhalay iyo nin la dhashay suxufigii Jamal Khashoqgi ee lagu dilay qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul. Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay tacsi u direen qoyska Saxafiga oo ay dileen Sirdoonka Sacuudiga oo ku dhex dilay 2-dii bishan Oktoobar Qunsuliyadda ...

Read More »