Toorey lagu dhaawacay Musharax Madaxweyne oo ololiisa doorasho ku guda jiray (Daawo Sawirro)

Musharaxa ugu cadcad doorashada madaxwaynanimada dalka Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa mindi lala dhacay xilli uu ku jiray ololo doorasho.

Dhacdadan ayaa ka dhacday isu soo bax lagu qabtay Juiz de Fora, oo ka tirsan gobolka Minas Gerais.

Wiilka Mr Jair Bolsonaro ayaa sheegay in aabihii uu dhaawac ka soo gaaray qaybta hoose ee caloosha, balse uu wanaagsaan oo uu ka soo kabnayo.

Booliiska dalka Barazil ayaa waxay sheegeen in qof looga shakisan yahay weerarkaasi ay xireen.

Sida ku cad ra’yi uruurin dhawaan la soo saaray hogaamiyahan midig fog Mr Bolsonaro ayaa helaya codadka ugu badan bisha October, waa haddii madaxwaynihii hore Lula da Silva uu ku guuldareysto laalida amarka ah in uusan doorashada u tartami Karin.

Lula da Silva ayaa imika ku jira xabsi ka dib markii lagu eedeeyay falal musuqmaasuq.

Maxkamada arrimaha doorashooyiinka ayaa maalmo ka hor soo saartay guddoon mr Lula looga horistaagayo in uu doorashada u tartamo.

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Ciidamada gaar-ka ah ee Dowladda Somalia oo Weeraray Degaan ka tirsan Sh hoose.

Ciidamada gaarka u tababaran ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa ...