SAWIRRO:-Murashax Farkeeti Oo Si weyn Loogu Soo Dhaweeyey Baydhabo.

Waxaa maanta Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobalka Baay  gaaray Wafti uu Hogaaminayo Murashax Maxamed Aden Ibaraahim Farkeeti Oo Kamid ah Murashaxiinta u Taagan Qabashada Xilka Madxweynenimo Ee Maamulka Koon Furgalbeed.
Murashax Maxamed Aden Ibaraahim Farkeeti Ayaa markii uu soo gaaray Gagida Diyaaradah Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koonfur Galbbeed, waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha is bedel doonka Maamulka Koonfur Galbeed, ururada dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Safarka Murashax Farkeeti uu ku tagay Baydhabo ayaa aha mid uu ugu kuurgalayo Xaaladda Guud ee ka jirta Deegaanada uu ka Arimiyo Maamulka Koonfur galbeed, iyo Baahiyaha gaarka ah ay qabaan Shacabka Koonfur galbeed, waxaana sidoo kale uu kulamo la qaadan doonaa Siyaasiyiinta , Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada koonfur Galbeed.
Ujeedka ugu Weyn ee Booqashada Murashax Farkeeti ayaa ah sidii uu u soo bandhigi lahaa Ollelihiisa Marashaxnimo iyo waxqabadkiisa haddii uu ku guuleyso Doorashada la filiyo in dhamaadka sanadkaan ay ka qabsoonto Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.
Si kastaba Ollolaha Murashax Farkeeti ayaa ku soo aadaya xilli ay dadka ku dhaqan Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ay baahi weyn u qabaan Hogaan wanaagsan iyo is badal siyaasadeed oo hogaanka u toga Shacab weynaha Maamulka Koon furgalbeed.

 

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Ciidamada gaar-ka ah ee Dowladda Somalia oo Weeraray Degaan ka tirsan Sh hoose.

Ciidamada gaarka u tababaran ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa ...