Duufaan go’doomisay magaalo dhan oo Maraykanka ku taalla

Magaalada Wilmington ee gobolka North Carolina ayaa gabi ahaanba ka go’day gobolka intiisa kale, waxaana arrintaas sababay daadad xooggan.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in dhammaan waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa aan la adeegsan karin, dadkii la daad gureeyayna waxaa loo sheegay in ay deegaannadaas isaga dheeraadaan.
Wararka halkaas ka imaanaya ayaa sheegaya in magaaladaas oo ay ku nool yihiin 120,000 in ay noqotay jasiirad gobolka ku taalla.

Dad lagu qiyaasay 400 oo ruux ayaa daadadka laga daad gureeyay, magaalada inteeda badanna waa koronto la’aan.

Waaxda qaran ee saadaasha hawada ayaa ka digtay in ay macquul tahay in daadadku ay sii jiraan labo maalmood oo kale, ka hor inta aysan xaaladdu wanaagsanaanin.

Woody White oo ka tirsan masuuliyiinta deegaanka New Hanover County ayaa dadka ugu baaqay in aysan aagaas isku imaanin.

 

 

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Dalka oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga

    Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Dalka oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta ...