Xildhibaan Sacdiyo “Dhibaatada dalka ka Jirta Farmaajo ayaa Mas’uul ka ah”

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Khudbad ka jeedinaayay xarunta Golaha Shacabka ayaa markale dowladda ku eedeeyay in ay ku fashilantay Ammaanka, taasina ay waxyeelo badan u geysan doonto bulshadda Soomaaliyeed.

 

Xildhibaan Cabdicasis Cilmi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa yiri” Waxaa wax laga xishoodo ah in qaraxii weynaa ee 14 Octobar cid loo soo qabtay iyo cid isku casishay jirin”.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in amni uusan dalka ka jirin oo ay fashilantay Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

“Amni ma jiro Xukuumaddana meel walba wey ku fashilantay” ayuu yiri Markale xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdi Fataax Daahir Ismaaciil  ayaa dhankiisa sheegay “Dowlada Farmaajo waxaa ay siyaasiinta ku caburisaa in dhaqaalo dowlada lagu duminayo ee dalka Keenaa, Waxaana ognahay in dowladdan aysan Ku imaan Quraan laakin ay lacag ku timid”

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeysay in uusan fulin lamihii la galay” Farmaajo ayaan dooranay, mana ka helin dalka waxyaabihii uu balan qaaday, dhibaatada dalka ka Jirta Farmaajo ayaa Mas’uul ka ah”

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Ciidamada gaar-ka ah ee Dowladda Somalia oo Weeraray Degaan ka tirsan Sh hoose.

Ciidamada gaarka u tababaran ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa ...