Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Qarax khasaare dhaliyay ayaa waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa horey loogu diyaariyay bar kontorool oo ciidanka dowladda ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn Ex-control Afgooye.
Ilo wareedyo ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen qaraxaasi inuu ku geeriyooday Hal askari, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana ciidankan la bartilmameedsaday ay ka tirsanaayeen booliska Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan qaatay saacad wax ka badan, lamana soo shegin cid lagu soo qabtay hawlgalkaasi.

Idaacadda Andulus oo ku hadasha afka Al Shabaab ayaa baahisay in qaraxan ay ka dambeeyaan Al Shabaab, islamarkaana khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidanka dowladda.

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Dalka oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga

    Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Dalka oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta ...