Shabaab oo sheegtay inay qarax la eegteen ciidan ka tirsan Kenya

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax khasaare geystay oo ciidamo ka tirsan Kenya lagula eegtay gobolka xeebta ku teedsan ee Lamu.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidanka Booliska Kenya qarax uu ku qabsaday inta u dhaxaysa degaannada degaanada Yad iyo Lamu oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamadan la weeraray ayaa la sheegay in ay wadeen howlo roondo ah Xilligii Qaraxa lala beegsanayay iyadoo ku dhowaad 10 Daqiiqo ay rasaas ridayeen ciidanka Kenya, waxaana Qaraxaasi sheegtay Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha laamaha ammaanka Kenya ayaa sheegay inuu jiro khasaare ciidankooda ka soo gaaray qaraxa, balse hada aanay xaqiijin karin, iyaga oo sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen in ay Miinooyin ku xiraan Wadooyinka kadib markii laamaha amniga ay uga itaal roonaadeen dagaalka tooska ah oo ay kula jireen.

Shabaab war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen AskarĀ  Kenyan ah, kadib markii gaari ay saarnaayeen qabsatay Miino dhulka lagu aasay.

 

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Dalka oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga

    Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Dalka oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta ...