Musharax Farkeeti Oo Ku Dhawaaqay In Uu yahay Murashax utaagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Koonfurgalbeed

Munaasabadan Oo Ahayd Midsiheersara ah Loosoo Agaasimay ayaa Waxaa Ka Sooqaybgalay Xildhabaano,Waxgarada,Masuuliyiin Katirsan Golaha Isbadal Doonka Koon Furgalbeed Soomaaliya ,Dhalinyaro,Ururada Haweenka Iyo Bulshaweeynta Qayabheed Kaladuwan Ee Kunool Magalada Baydhaba

Munaasabada ayaa Ujeedkeedu ahaa Mid Uu Kusoo Bandhigayey Qorshe Siyaasadeedka Uu Ku Hogaamin Doono Shacabka Koon Furgalbeed Wasiirkii Horre Ee Maaliyada Soomaaliya Hadana Ah Murashax Ay Ku Hawenyihiin Shacabaka Koon furgalbeed Mudane Maxamed Aden Farkeeti

Murashax Farkeeti Oo Furay Munaasabada ayaa Kagahadalay Khudbadiisa Dhinacaya Badan Oo Muhiim u ah Dadka Kunool Deegaanada Iyo Dagamooyinka Uu Karimiyo Maamulkaasi

Murashax Ayaa Siweyn Ugu Dheeraaday Wax Kaqabashada amniga Koon furgalbeed Iyo  Samaynata Dib U Heshiisiinta Dhab ah Ayaa Wax uu yiri

“Waa Muhiim In Amniga Wax Laga Qabtaa Waa Halka Gogal Xaar Unoqonkarata  In Lahelaa Nolol Wanaagsan Iyo Maamul ay Dadka Oo Idil Iska Dhax Arkaan Waxaan Ka Shaqayn Doonaa In An Si Fudud Aan Usoo Celino Amniga Deegaanda Koo furgalbeed Iyada Oo Aan Adeegsan Doono Aqoonta Dhalinyaradeena Iyo Xeelada Ciidamadeena Taasina Waxaan Ku gaari Karaanaa In Aanu Helnaa Maamul Wanaagsan  Sidoo Kale Waxaan La Shaqayn doonaa Hadii Aan Kuguulayto Ama Aan Kuguulaysan Cid Waliba Oo Diyaar u ah U Adeegida Shacabaka Koon Furgalbeed  Xildhibaanada Iyo Odiyada Dhaqanku Waxaan Kaga Baahnahay In ay Gacan Nagu siiyaan Isbadal sidaan Kugaari Lahayn Diyaar ma’unahay inaan Koon fur galbeed Isbadal Aanu Gaarsiino ?

Diyaar Ma’unahay In aan Lashaqayno Golaha Isbadal Doonka Koon Furgalbeed ?

Anaguna Hadii aanu nahay madaxda rabata in ay Idiin Hogaamiso Diyaar ayaan unahay in aan idiin shaqayno alle Hanawada Guuleeyo ”

Dhanaka Kale Waxaa Munaasabada Kahadalay Xildhibaano Katirsan Maamulka KGS Oo Sheegay In Isbadalka KGS ay diyaar u yihiin kana shaqayn doonaan isbadal dhab ah oo ka dhacak koon furgalbeed

Ugu Danbayntii ayaa waxaa Hadlka Qaatay waxgaradha,dhaliyarada Iyo Haweenka Reer Koon Furgalbeed  Waxyna Siwadajir ah Xildhibaanada Ugu Dalabadeen in ay Codka Siiyaan Murashax Maxamed aaden Ibraahim Farkeeti Oo Ay Sheegeen in uu yahay Mas’uul ay sootijaabiyeen Dhamaan Shacabaka Soomaaliyeed Kuna Qanceen Waxqabadkiisa Maanta ay Ku aaminikaraan Ceenaan Uqabashada KGS

Murashax Maxamed aaden Ibaraahim Farkeeti ayaa ah Murashax Kali ah Ee Loosaadaalinayo In Uu Kusoo Baxayo Doorashada Ka Dhicidoota Dabayaaqada Sanadakan Xarunta KMG ah Ee Maamulka Koonfurgalbeed Ee Baydhab

 

W/Q:-Bashiir Barre 

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Dalka oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga

    Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Dalka oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta ...