Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Dalka oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga

 

 

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Dalka oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga:
Wasiirka wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa maanta kulan dhinacyo badan la yeeshay Madaxa Arrimaha Diinta ee Dalka Turkiga Dr.Cali Irbaash.
Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta ayaa marka hore ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay isaga & wafdigiisa isaga oo sidoo kale xusay taariikhda lama ilaabaanka ah ee Dadka & Dalka Turkigu ku leeyihiin quluubta shacabka Soomaaliyeed.
Dr. Cali Irbaash Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga ayaa xusay muhiimadda ay leedahay booqashada Wasiirka uu ku joogo Dalka Turkiga isga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda iskaashi dhex mara labada Dal, “ Waxaa naga go’an inaan iska kaashanno barashada Diinta & Tacliinta Diiniga ah” ayuu yiri Dr.Cali Irbaash.
Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa dhankiisa soo dhaweeyay iskaashi ku dhisan danaha labada Dal & shacab oo dhexmara Soomaaliya & Turkiga
“ Waxaan aad & aad ugu mahadcelinaynaa isbarbar taagga & hiilka uu markasta noo hayo Turkiga anaga oo ka faa’idaysan doono fursadaha iskaashi dhanka horumarinta Barashada Diinta & Horumarinta Xarumaha Barashada Diinta, waxaana mustaqbalka balaarin doonaa xiriirka iskaashi” sidaa waxaa yiri wasiir Xildhibaan sheikh Nur Mohamed Hassan.
Ugu damabayn, wasiir Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa xusay si’ loola dagaallamo jahliga & aqoon darrada dhanka Diinta in ay muhiim tahay in Soomaaliya laga caawiyo horumarinta & casriyaynta xarumaha barashada Diinta & Tababaridda Imaamyada, Khadiibyada, macalimiinta & Shaqaalaha Wasaaradda.
Kulakan oo uu qab ka ahaa Agaasinka Xiriirka Arrimaha Dibadda Admiral Erdal Atalay ayaa ku soo gabagaboobbay si wanaagsan.

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Isbitaalka Kalkaal ayaa soo Gababageeyeen Qaliimo Casri ah.

Cisbitaalkaan Ayaa Ku Yaal Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya Ayaa Waxaa Uu Sameeyay Qaliimo Casri ...