Wasiirka waasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta JFS Mudane sheikh Nur Mohamed ayaa waxaa uu maanta martiqaad rasmi ah ka helay jaamacadda Ondokuz Mayis Ee dalka Turkiga

Wasiirka waasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta JFS Mudane sheikh Nur Mohamed Hassan oo maalmahan safar shaqo ku joogay Dalka Turkiga ayaa waxaa uu maanta martiqaad rasmi ah ka helay jaamacadda Ondokuz Mayis oo ku taalla gobolka Samsun kuliyadeeda shareecada & Qaanuunka. Madaxweynaha jaamacadda ayaa Soo dhamayn ballaaran u sameeyay wasiirka & wafdigiisa iyada laga wada hadlay sidii kuliyadda Shareecada ay wasaaradda ugu deeqi lahayd tacliin sare oo isugu jirta Bachelor & Master. Sidoo kale maamulka jaamacadda ayaa balanqaaday in ay shaqaalaha wasaaradda ugu deeqi doonaan waxbaarsho nidaami ah oo heerarka kala duwan ah & tababarro ku aaddan sidii ay u hormarin lahaayeen xirfaddooda shaqo . Waxaa uu wasiirka hoolka jaamacadda kulan kula qaatay ardayda kuliyadda shareecada & Qaanuunka. Waxaa ay sidoo kale ballan qaadeen in ay tababarro siin doonaan Imaamyada, macallimiinta Qur’aanka & culimada soomaaliyeed. Wasiirka ayaa ugu dambayn u mahadceliyay maamulka & shaqaalaha jaamacadda sidii diirranayd ee loo soo dhaweeyay isaga & wafdigiisa. Kulankan Ayaan imaanaya iyada oo todobaadkii hore uu wasiirka la qaatay Madaxa Diinta & Awqaafta Dalka Turkiga kulan miro dhal u ah shacabka soomaliyeed.

 

 

Facebook Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

x

Check Also

Isbitaalka Kalkaal ayaa soo Gababageeyeen Qaliimo Casri ah.

Cisbitaalkaan Ayaa Ku Yaal Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya Ayaa Waxaa Uu Sameeyay Qaliimo Casri ...